Tuesday, March 30, 2021

Cabitaanka kaarootada iyo caafimaadka





 Ma ogtahay in cabtiaanka kaarootada ay caafimaad ahaan u fiican tahay maqaarka ama dubka sare ee jidhka bini aadamka - haa waad ogtahay - run ahaantii cabitaanka kaarooga waad cabi kartaa si kasta oo uu ahaadaba qaydhin ama biseel laakiin waa inuu cusub yahay.



Kaarootada waxay qani ku tahay oo laga helaa maadooyinka kala ah .

  • Fiber
  • beta carotene
  • Fitamin k
  • Potassium
  • Antioxidants
Cabitaanka kaarootada waxaa laga helaa faaiidooyin caafimaad oo aad u badan sidaa darteed waxaa lagu taliyaa in qofku joogteeyo cunista kaarootada , hadaba waxyaabaha laga dhaxlo waxaa ka mida.

  • Cabitaanka kaarooga wuxuu dhimaa miisaanka
  • Cabitaanka kaarootada wuxuu yareeyaa heerarka kalastaroolka
  • Cabitaanka kaarooga wuxuu fiican yahay indhaha


Cabitaanka kaarootada 

Maadaama aynu ognahay waxtarka caafimaad ee laga dhaxlo cabitaanka kaarooga halkan waxaan kuugu soo bandhigaynaa faaiidooyinka gaarka ah ee cabitaanka kaaroogu u leeyahay maqaarka.

 
Nadiifinta maqaarka : cabitaanka kaarootada oo la joogteeyaa wuxuu nadiifiyaa maqaarka sidaa darteed waxaad marinka wajiga sidaa darteed isticmaalka joogtada ah ee kaarootada waxay kaloo gacan ka gaysataa inuu maqaarkaagu iftiimo.

Qoyaanka maqaarka : cabitaanka kaarootada waxaa ku jira xadi aad u badan oo macdanta potassium ah sidaa darteed wuxuu kaa caawinaayaa inaad hesho maqaar qoyan oo nafaqo leh.

Dhibcaha maqaarka : cabitaanka kaarootada waxaa kaloo lagu daaweeyaa dhibcaha maqaarka ku samaysma wuxuuna kaa caawinaayaa inaad ka takhalusto nabraha maqaarka sidaas darteed qofka maqaarkiisa raba inuu daryeelo waa inuu ku dadaalo cabista cabitaanka kaarooga.

laablaabka maqaarka : cabitaanka kaarootada waxay maqaarka siisaa nafaqo waxay kaloo ka ilaalisaa maqaarka gabowga waayo waxaa ku jirta maadada antioxidants taasoo ka hortagta gabowga iyo laablaabka maqaarka.

Labels: ,

0 Comments:

Post a Comment

Subscribe to Post Comments [Atom]

<< Home