Tuesday, March 30, 2021

7 Faaido oo aadan ogayn oo ku qarsoon liin macaanta

 




Marka laga yimaado faa’iidooyinka ay liin macaantu lee dahay marka la cuno oo ah inay lee dahay nafaqo badan ayaa dhowaan daraasad uu sameeyey wargeyska Daily Mail waxa lagu ogaadey in ay jiraan 7 faa’iido oo kale ,kuwaas oo ay liintu u lee dahay guriga marka aan cunto ahaan loo isticmaalin.

Wargeyska oo ay la shaqaynayeen khubaro dhanka caafimaadka ah ayaa sheegay in ay jiraan toddobadaasi faa’iido oo hore aan loo ogayn,waxaanay kala yihiin toddobadaasi faa’ido sidan:-

1:Liin macaanta oo la kululeeyo ,waxa loo isticmaalaa nadiifiye ahaan,iyada oo lagu nadiifiyo marka la miiro meelaha quraarada ah.

2:Liinta oo inta la jar jaro la dhigo meelo guriga kamid ah ,gaar ahaana madbakha oo kale,waxay taasina ka kaxaysaa guriga iyo meesha ay taalo agagaarkeeda urka la dhibsanaayo ama inay meeshaasi yeelato ur qadhmuun.

3:Liinta oo la tuujiyo sidoo kalena lagu daro Soodhe waxyaalahu ku jiro,waxa lagu nadiifiyaa meelaha inta badan uskaga yeesha ee qiiqu ku dhasho Madbakhyada.

4:Liinta waxa kale oo lagu nadiifiyaa meelaha Microwaves ka ah,iyada oo lagu darayo liintaas biyo,waxaanay taasi keenaysaa inuu dhaska iyo urka xunba ka qaado,kana dhigo mid udgoon.

5:Liinta waxa lagaga maarmi karaa waxyaalaha Siliga ka samaysan ee weelka lagaga jaro Uskaga,waxaana lagu xoqaa Liinta oo la kala jaray,taasina waxay sahlaysaa in ay weelkaasi ,gaar ahaana suxuunta iyo waxyaalaha ka samaysan dhoobada iyo quraaraduhu dhalaalaan.

6:Waxa kale oo ay liintu ku fiican tahay waxa laga dhigi karaa sida Cadarka oo kale,iyada oo lagu shubaayo caagada lagu shubo inta badan Dhitoosha oo kale,kadibna guriga iyo weelka lagu buufin karo.

7:Liinta waxa kale oo loo isticmaali karaa jidhka,iyada oo laysku daraayo Saliid,Liin iyo laba malqaacadood oo Malab ah iyo koob badhkii oo sonkor ah ,kadibna iyaga oo isku jira isku huuri 15 minutes ,kadibna mari jidhka,waxay taasi soo celinaysaa jidhka duxda ka baxda.

Khubarada baadhitaankan waday ayaa hadda sheegay inay samaynayaan tijaabooyin kala duwan ,iyaga oo kala qaybinaaya,tijaabada una adeegsanaaya ilaa 14 qof oo guryo u badan,qoddob walbana lagu tijaabinaayo laba guri

Labels: ,

0 Comments:

Post a Comment

Subscribe to Post Comments [Atom]

<< Home