Faaiidooyinka cajiibka ah ee malabka
Faaiidooyinka malabka
Malabka iyo wajiga : malabku wuxuu isu dheelitiraa quruxda wajiga waana maado faaiido badan leh waayo waxaa loo isticmaalaa finanka wajiga in lagu daaweeyo sidoo kale malabka waxaa la mariyaa wajiga sababtuna waa in malabka uu wajiga ka ilaaliyo qalaylka isla markaan wuxuu ka dhigaa mid qoyan wuxuuna qofka siiyaa maqaar iftiimaaya isla markaana wuxuu soo saaraa unugyada cusub ee maqaarka.Malabka iyo galmada : malabku wuxuu qofka siiyaa awood dheeri ah gaar ahaan markaynu ka hadlayno malabka iyo guska ninka wuxuu kordhiyaa hoormoonka loo yaqaano testosterone kaas oo ka qayb qaata kordhinta raganimada.
Malabka iyo foosha : faaidada malabka iyadoo aynu ka hadlayno hadana waxaa jirta suaal inta badan la iswaydiiyo taas oo ah malabka iyo uurka wax dhibaato ah miyay leedahay hadii hooyadu cunto .
Hadii aan ka jawaabno malabka waa la cuni karaa xili kasta laakiin dhakhaatiirta caafimaadka waxay ku talinaayaan in hooyada uurka leh aysan malabka isticmaalin sidoo kale aan la siinin ilmaha hal sano ka yar sababtana waxaa la sheegay in malabka uu leeyahay bakteertiyo ilmaha caloosha ku jira wax gaadhsiin karta , balse marnaba bakteeriyadaas uma gudbi karto uur jiifka sababtoo ah meel ayuu alle ku xafiday ilmaha.
malabka iyo caruurta : sida aan kor ku xusnay malabka lama siinaayo ilmaha ka yar hal sano sababtuna waa bakteeriyada loo yaqaano Clostridium laakiin ilmaha ka weyn hal sano waa la siin karaa malabka .
Malabka iyo cayilka : sida lagu xusay daraasad la soo bandhigay sanadkii 2010 laguna soo bandhigay wargayska Journal of american college of nutrition waxaay daraasadu sheegtay in malabku uu ka caawiyo qofka cayilan ama buuran inuu xakameeyo aabateedkiisa ama rabitaanka cunta uu u hayo.
Sidaa darteed hadii aad isticmaasho malabka hurdada ka hor waxaa bilaabmaysa inuu jidhku gubo baruur badan saacadaha ugu horeeya ee hurdada.
Faaiidooyinka kale ee malabka
Malabka wuxuu muhiimad gaar ah u leeyahay koritaanka ilkaha iyo ilaalintooda
Malabka wuxuu la dagaalamaa xanuunka dhiig karta wuxuuna jidhka ku badiyaa birta
Malabka wuxuu la awood siiyaa murqaha wadnaha dadka isticmaalana way ka dheeryihiin arintaas.
Suaalaha malabka iyo jawaabahooda
Malabku muxuu daawo uyahay ?
Malabka waxaa lagu daaweeyaa cudur kasta- Waa maxay faaiidada malabka iyo toonta
labaduba waxay wadaagaan faaiidooyin sida inay daaweeyaan qufaca iyo hargabka - Waa maxay faaiidada malabka iyo caadada
Malabku wuxuu raaxo geliyaa jidhka sidaa darteed haweenka caadada leh wuu u fiican yahay - Waa maxay faaiidada malabka iyo finanaka
Malabku maqaarka jidhka ayuu u fiican yahay sidoo kalefinanka - Waa maxay faaiidada malabka iyo liinta
Labaduba iskooda ayay waxtar u leeyihiin lakin waxay ka siman yihiin miisaan dhimida - Malabka iyo liin dhanaanta ka waran ?
Sida aan kor ku xusnay waa isku mid liinta iyo liin dhanaantu - Malabka iyo kacsiga wax iiga sheeg ?
Kor ayaan kaga hadalnay ee fadlan akhriso - Noocyada malabka maxaa ka mida ?
malabka waxaa ugu caafimaad badan midka dabiiciga ah - isticmaalka malabka miyaan joogteeyaa ?
Maya inta badan laakiin haka dheeraan - Malabka iyo qorfaha maxay wadaagaan ?
Labaduba waa jeermis dile , waxay u roon yihiin haweenka caadada leh , sidoo kale hargabka ayaa lagu daaweeyaa labada sidoo kale waa sun saarayaal awood badan - Malabka iyo quruxda wax iiga sheeg ?
Waan ka jawaabnay ,qurxinta wajiga malabka, malabka quruxda qofka ayuu dibada u soo saaraa waxaaba jira barnaamijyo la dhaho isqurxinta malabka - Malabka somalia malagu kalsoonaan karaa ?
Haa waa lagu kalsoonaan karaa laakiin waa inuu dabiici ahaadaa - Malabka iyo wasmada yacni galmada xidhiidh miyaa ka dhexeeya ?
Haa xiriir wanaagsan ayaa ka dhexeeya fadlan kor ka akhriso - Malabka ma u wanaagsan yahay qof macaan qaba
Jawaabtu waamaya - Waa maxay dhibaatada malabka ?
Dhibaatadiisa waa inaad iska badiso iyo inaad talada dhakhtarka diido
Cudurada uu daaweeyo malabku
Labels: caafimaadka, cunooyin


0 Comments:
Post a Comment
Subscribe to Post Comments [Atom]
<< Home