Monday, March 29, 2021

Waxtarka ukunta [ beedka ] 10 faaiido cajiiba





Beedka ama ukunta waxay qani ku tahay oo laga helaa nafaqooyin badan oo ay ku jiraan booratiino fiitamiino iyo macaadin sidoo kale qaybta huruudiga ama jaalaha ah ee beedka waxaa ku jira oo laga helaa fiitamiinada kala ah vitamin e iyo vitamin iyo dufanka muhiimka ah ee loo yaqaano fatty acids.


Nafaqada ukunta

Ukunta sidoo kale waxay ka mid tahay cuntooyinka ugu badan ee dunida laga isticaamlo isla markaan cunto karinta loogu adeegsado meel kasta waxaana dadka aad u jecel yihiin dhadhanka iyo beedka cunta ahaantiisa isagoo dadka qaarkood u noqda balwad aysan joojin karin cunistiisa.

Faaiidooyiinka beedka ama ukunta

Ukuntu waa cunto muhiim ah oo laga helo maadooyinka kala ah Salenium, Vitamin D, fitamin B6, Fitamin B12, waxaa kale oo ukunta laga ku jira macdano aad u tiro badan sida zinc, iron, iyo copper.

Ukunta maxaa laga helaa 

Ukunta iyo uurka : beedku waa cunto u wanaagsan hooyada uurka leh waana il laga helo xadi aad u fiican oo protein ah waxaana laga helaa waxa loo yaqaano amino acids taas oo hooyada uurka leh iyo ilmaheeduba u baahan yihiin sidaa darteed waxaa laga helaa in badan oo fiitamiino iyo macaadiin ah.

Ukunta iyo galmada : beedku waxaa alle ku abuuray oo uu qani ku yahay fiitamiinada kala ah fitamin B6 iyo fitamin B5 kuwani waxay jidhka ka caawiyaan inuu isu dheeli tiro hoormoonada jirka isla markaana waxay la dagaalamaan stress ka ama walwalka iyo niyad jabka, sidaa darteed Vitamin B6 iyo Vitamin B5 waxay ku siinayaan dareen iyo kacsi caafimaad qaba oo kugu abuuraaya inaad galmada jeclaato.

Ukunta iyo caruunta : maadooyinka ugu muhiimsan ee beedka laga helo waxaa ka mida iron, protein, iyo fatty acid oo muhiim ah iyo fiitamiinada kala ah vitamin A, vitamin D, Vitamin E iyo vitamin B12, hadaba maadama beedka booratiinada ku jira aad u badan yihiin hadii subaxdii ilmaha uu ku quraacdo waxay ka dhigaysaa mid dharagsan waxayna ukuntu hoos u dhigaysaa gaajada ilmaha ka mashquulinaysa waxbarashada iyo iskuulka.

Ukunta iyo wajiga : qurxinta wajigu waa muhiimada koowaad ee dumarka sidoo kale qofkasta laga rabo inuu ku dadaalo sidaas daraadeed beedku waa hab daaweed qoto dheer oo lagu nadiifiyo wajiga waxaana ku jira booratiin aad ugu fiican wajiga sidaa darteed hadii aad doonayso in wajigaaga uu qurux badnaado ku dadaal inaad u isticmaasho beedka.

Ukunta iyo guska : beedka wuxuu ka mid yahay cuntooyin sare u sare u qaada awooda galmada sidaas oo ay tahay cunista ukunta waxay kaa caawinaysaa in hadiiba baahidaadu badan tahay uu sare u qaado xubinta taranka ee raga taas oo hawsheeda si fiican u gudanaysa.

Ukunta iyo cayilka : beedku waa cunto ay ku yartahay waxa loo yaqaano kalari oo ah waxyaabaha ka qayb qaata inuu qofku naaxo ama cayilo sidoo kale beedka ama ukunta waxaa laga helaa booratiino iyo nafaqooyin kale oo badan sidaas darteedna beedka wuxuu ka mid yahay cuntooyinka miisaanka dhima ee maaha cuntooyinka miisaanka kordhiya ama cuntooyinka lagu cayilo.

Ukunta iyo dumarka : maalin kasta dumarka iyo raga labaduba way cunaan beedka waana arin wanaagsan waayo wuxuu beedku sare u qaadayaa qofka caafimaadkiisa, laakiin dumarka qaba xanuunada ay ka mid yihiin macaanka iyo cilado kale oo caafimaad waa inay kala tashtaan dhakhtarkooda cunista beedka.

Ukunta iyo timaha : beedka waa cunto aad ugu muhiim ah timaha waayo waxay ka helaayaan nafaqooyinka timuhu u baahan yihiin waxay timuhu sidoo kale ka helaayaan vitamin A iyo biotin oo sidoo kale loo yaqaano vitamin H kaas oo ka mid ah fiitamiinada la isku dhaho B Complexe vitamins kalmada biotin waxay ka soo jeedaa giriigii hore sidoo kale waxay timuhu ka helaayaan beedka maadada loo yaqaano folate , sidaas darteed nafaqada ukunta ku jirta waxay tinta ka dhigaysaa mid qaro weyn oo caafimaad aaad u wanaagsan  faaiidaduna waa in timaha aysan daadan.

Labels:

Babayga iyo caafimaadka - 11 faaiido babaayga



Faaiidooyiinka babayga | Bababygu wuxuu ka mid yahay cuntooyinka ugu caansan aduunka sidoo kale wuxuu caan ku yahay cunitaanka babayba iyo cabitaanka babayga oo aad loo jecel yahay waxaana laga helaa caalamka oo dhan laakiin wuxuu si gaar uga baxaa dalalka kulaylaha oo ah 17 dal oo kaliya oo soomaaliya ay ku jirto


Babayga 

Babayga maanta waa mid ka mid cunooyinka ugu caansan ee laga isticmaalo qaarada aasiya iyo guud ahaan dalalka aduunka oo idil laakiin babaygu wuxuu asal ahaan ka soo jeedaa qaarada amerika sidaa darteed magacyada kale ee loo yaqaano waxaa ka mid pawpaw ama papaw saynis ahaana waxaa loogu yeedhaa cariga papaya.

Faaiidooyinka babayga

Hadaba maadama babaygu yahay midhahaas qaaliga waxaynu qaybta hoose ee qormadeena ku eegaynaa waxtarka caafimaad ee babayga iyo xanuunada uu daawada ka yahay ama ka hortago.



Babayga iyo kalastaroolka

Babayga wuxuu hodan ku yahay fiber iyo fiitamiin C iyo maadada antioxidants kuwaas oo ka hortaga in kalastaroolku uu ku bato jidhka qofka sidaa darteed kalastaroolka hadii uu jidhka ku bato wuxuu horseedi karaa dhawr cudur oo ay ka mid yihiin wadne qabadka iyo dhiig karka.

Babayga iyo cayilak
Qofkasta oo raadinaayaa inuu miisaankiisa dhimo waa inuu liiska cuntadiisa ku darsadaa babayga maadaama ay ku yaryihiin kalooriyaasha waayo babayga waxaa laga helaa fiber taas oo qofka ka dhigaysa inuu dharagsan yahay isla markaana waxay nadiifinaysaa dhaqdhaqaaqa mindhicirada taasina waxay fududaynaysaa nidaamka miisaan dhimista.


Babayga iyo difaaca jidhka

Nidaamka difaaca jidhku waa midka kaa difaacaaya dhammaan xanuunada iyo cudurada jidhka ku dhici lahaa  sidaa awgeed halkii xabo ee babayga wuxuu ka kooban yahay oo laga helaa vitamin C taas oo sare u qaadaysa difaacaaga jidhka.

Babayga iyo macaanka
Babayga waa cuntada ugu fiican ee loogu talo galay dadka qaba cudurka macaanka maadaama ay ku jirto sonkor aad u yar sidoo kale dadka aan qabin cudurka kaadi macaanka waxaa lagula taliyaa inay cunaan babayga si ay uga hortagaan inuu ku dhaco cudurka macaanku.


Babayga iyo indhaha
Babaygu wxuu hodan ku yahay vitamin A kaas oo ka hortagaaya aragtidaada inay xumaato sidaas oo ay tahay qofna ma rabo inay dhibaato soo gaadho indhihiisa markuu gaboobo sidaa daraadeed cunista babayga waxay kaa caawin doontaa inuu wanaagsanaado araga indhahaagu.


Babayga iyo xubnaha jidhka
Xubno xanuunka wuxuu mararka qaar ku dhacaaa dadka waaweyn laakiin hadana da' kasta wuu ku dhici karaa  wuxuuna noqon karaa xanuun qofka uu ku dhaco ka hor istaaga noloshiisa ama ugu yaraan caajis weyn galiya sidaa darteed cunista babayga waxay ka hortagtaa xubnaha xanuunka maadama babaygu leeyahay vitamin c kaas oo gacan ka gaysanaaya inuu ka hortago noocyada kala duwan ee xubno xanuunka.

Babayga iyo dheefshiidka

Sida caadiga ah wakhtiga hada la nool yahay maalin kasta waxaad heli kartaa talooyin caafimaad oo laguugu sheegaayo inaad ka fogaato cunooyinka qashinka ah ee caafimaadkaaga u daran laakiin babayga run ahaantii  waa cunto aad ugu wanaagsan dheefshiidka .

Babayga iyo caadada
Haweenka la kulma xanuunka caadada ayaa waxaa la tilmaamay in cunista babaygu ay ka caawinayso yarayn xanuunka caadada waayo babygu wuxuu ka qayb qaataa fududaynta socodka caadada.


Babayga iyo maqaarka
Kuligeen waxaynu jecelnahay inaan ahaano dhalinyaro waligeen laakiin qofna ma awoodo taas si kastaba ha ahaatee caadooyinka caafimaad ee aad samayso sida cunista babayga maalinkasta waxay kaa dhigaysaa qof 5 sano ka yar da'da uu hada yahay waayo babaygu wxuu hodan ku yahay vitamin C, vitamin E iyo antioxidant  sida beta-carotene kuwaas oo ka hortaga waxyeelada ama dhiibooyinka maqaarka ku dhaca iyo calaamada gabowga.


Babayga iyo kansarka
Babayga waa il qani ku ah maadooyinka antioxident iyo phytonutrients flavonoids waxayna ka hortagaan waxa loo yaqaano free radicals taas oo la ogyahay inay kansarka sababto daraasadaha qaar kale waxay sheegeen in cunista babayga ay yarayso halista kansarka prostate ka.

Babayga iyo buufiska
Buusifka waxaa loola jeedaa stress ka sidaad darteed markaad maalin oo dhan shaqayso ama hawl qabato waxaa wanaagsan in gurigaaga diyaar kuugu ahaato saxan babay ah waayo midhahan cajiibaka ah waxay leeyihiin nafaqooyin kala sidoo kale vitamin c ayaa ku jira babayga kaas oo kaas oo Alle awood u siiyay inuu hoos u dhigo istareeska , sida lagu sheegay daraasad lagu sameeyey jaamacada Alabama ee dalka maraykanka waxaa lagu ogaaday in 200 mg oo vitamin C ay nidaaminta socodka hoormoonada istareeska ee jidhka.

Labels:

Faaiidooyinka caafimaad ee muuska

        




Alxamdulillah muusku wuxuu ka mid yahay khudaarta faakihada ah dalkeena ka baxda sidoo kalena dibada loo dhoofiyo soomaaliya waxay ka mid tahay dalalka ugu horeeya dunida ee caanka ku ah soo saarka muuska, istaas ka dib Shabakada Caafimaad tips  maanta waxay kula wadaagaysaa faaiidooyinka aan caqliga gali karin ee laga helo muuska .

Waa maxay faaiidooyinka muuska ?


Muuska waa cunto faaiido badan oo sidii cuno laguna cuni karo cuno kale ama waxaa laga samaysan karaa sharaab kaas oo laga dhigan karo juice laakiin faaiidooyinka muuska maaha kuwoo aan halkan ku soo koobi karno balse waxaan idiin soo gudbinaynaa faaiidooyinka mooska ee ugu cajiibka badan.

1. Muuska wuxuu hoos u dhigaa cadaadiska dhiiga

2. Wuxuu ka hortagaa cudurada

3. Wuxuu ilaaliyaa caafimaadk maqaarka

4. Wuxuu kordhiyaa awooda galmada

5. Wuxuu dhimaa miisaanka qofka cayilan

6. Wuxuu u hagaajiyaa dheefshiidka




7. Wuxuu daaweeya xanuunka murqaha

8. Wuxuu nidaamiyaa hawhsa midhicirada

9. Waxaa loo cunaa jimicsiga

10. Wuxuu yareeyaa oo daaweeyaa cudurada neefta

11. Wuxuu ka hor tagaa gabowga aan xiligiisa la gaadhin

12. Wuxuu yareeyaa halista wadno qabad degdega ah

13. Wuxuu hoos u dhigaa xanuunka subaxdii ee hooyadu markay uurka leedahay.

Labels:

Faa'iidooyinka timirta ee cilmi baadhis lagu xaqiijiyay





Faaiidooyinka caafimaad ee timirta | Geedka timirtu waa geed ka baxa dhulalka kulaylaha gaar ahaan dhulka aysan ka baxayn badiba dalagyada kale ee la quutaa, timirtu waa midho macaan waana midhaha geedka timireedka sidoo kale timirtu waxay cunto sugan u ahayd umada ku nool bariga dhexe kumanaan sano.





Faaiidooyinka timirta


Timirta waxaa laga helaa faaiidooyin caafimaad oo aad u tiro badan waxayna waxtar u leedahay qaybo badan oo kamida jidhka bini aadamka hadaba faaiidooyinka iyo mucjisooyinka alle ku abuuray midhaha timirta iyo waxyaabha ugu caansan ee laga dhaxlo cunista timirta ayaan halkan kugula wadaagaayaa.

Waxtarka timirta

Maadaama timirtu leedahay faaiidooyin aad u tiro badan waxaa muhiim ah inaad si degan u akhrisato qormadan xiisaha badan ee ku saabsan waxtarka timirtu inoo leedahay.




Timirta waxaa laga helaa tamar
Timirta waxaa ku jirta oo laga helaa sonkor dabiici ah sida glucose fructose iyo surcose sida daraadeed tamarta sare ee ku jirta timirta waxaa loo aanayn karaa sonkorta dabiiciga ah ee laga helo timirta.

Dad badan oo aduunka ku nool waxay wakhti ka mida maalintooda cunaan timirta dabiiciga ah iyagoo u cunaaya cunto fudud oo galabnimo ah waa markay dareemaan deganaan la'aan iyo caajisnimo si ay uga soo kabtaaan heerka tamartooda oo hoos u dhacay.

Had iyo jeer markaad jimicsi samaysid ama aad u baxdo magaalada waxaad dareemaysaa daal. sidaa darteed daraasad lagu daabacay joornaalka caalamiga ah ee cilmiga cuntada iyo nafaqada ayaa sheegtay in timirta laga helo nafaqooyin lagama maarmaan ah isla markaana qofka cunaaya ay ka caawiso sidii qofku u soo ceshan lahaa tamartiisa .

Sidaa darteed dadka muslimiinta ah wakhtiga soonka waxay ku afuraan oo sunada nabigeena muxamed naxariis iyo nabadgelyo korkiisha ha ahaatee ka mid in qofku waxa ugu horeeya ee uu afka geliyo ay tahay timirta.

Timirta iyo maskaxda
Daraasad uu hogaaminayo mustafa mohammed essa oo haysta Ph.D  waxay soo jeedisay in timirtu ay ka hortagto culayska sunta ah ee maskaxda sidaa darteed sida lagu xusay daraasada midhaha timirtu waa il wanaagsan oo laga helo fiberka cuntada waxayna ka hortagtaa cudurada maskaxda ku dhaca sida alzheimers iyo kuwa waalida keena.



Dheefshiidka
Daawo dhaqameedka reer tunisia timirta waxaa loo isticmaalaa in lagu daaweeyo xanuunada caloosha ku dhaca , sida lagu xusay daraasad ku saabsan saameynta fiberka cuntada ee laga helo timirta waxay muhiim u tahay dheefshiika iyo dhaqdhaqaaqa saxarada, sidaas darteedna daraasad kale oo lagu daabacay joornaalka cilmiga beeraha iyo cuntada ayaa lagu sheegay in timirtu leedahay fiber aad u wanaagsan oo la dagaalama calool fadhiga ama calool istaaga.

Timirta iyo dhiig yaraanta
Timirtu waa il wanaagsan oo nafaqooyin badan laga helo waxaana laga helaa birta dhiiga hadaba markii laga hadlaayo dhiig yarida timirtu Birta oo ayaan gacan ka gaysan karta dhiig yaraanta sidaa darteed hadii qofka dhiigu ku yar yahay waxaa lagu gartaa.

  • Daal
  • Dawakhaad
  • Neefsashada oo gaaban
  • Cidiyaha oo jilicsan
Nasiib wanaag inaad cunto cuntooyinka hodanka ku ah Birta sida timirta waxay gacan ka gaystaan in qofku ka soo raysto dhiig yarida sidaa oo ay tahay waxaa lagula taliyaa dadka ka cabaanaaya dhiig yari inay ku dadaalaan cunista timirta.

Timirta iyo kansarka
Timirtu waxay la dagaalantaa cudurka kansarka illaahay ha inaga hayee intuu ku dhacayna haka shaafiyee, timirta waxaa ku jirta maadada loo yaqaano selenium oo ka hortag u ah cudurka kansarka sidaas darteed dadka beerta timirta waa sababta aysan u aqoon cudurka kansarka , hadaba waxaa muhiim ah ina lagu dadaalo cunista timirta maadaama illaahay uu awood u siiyay inay ka hortagto cudurka kansarka.

Timirta iyo galmada
Timirta waxay kaloo faaiidooyin badan u leedahay raga laakiin marka laga hadlaayo waxtarka dhinaca galmada taasi waa mida ugu muhiimsan waxtarka timirta sidaas darteed timirtu waxay hodan ku tahay maadooyinka loo yaqaano amino acids kuwaas oo la ogyahay inay kordhiyaan adkaysiga galmada ama sii wadida galmada sidaa awgeed daraasadaha qaar waxay ku talinaayaan in raga iyo dumarka labaduba joogteeyaan cunista timirta si ay u sii wadaan galmada.
Timirta iyo uurka
Timirtu waxay u wanaagsan tahay hooyada uurka leh gaar ahaan waxay fududaysaa marxalada foosha iyo dhalmada iyo dhiiga ka dambeeya waayo waxay saameyn togan ku leedahay dhiig baxa umusha ka dib. - Halkan ka akhriso 

Timirta iyo gaaska

Gaasku waa caabuq ama barar caloosha dhexdeeda ah waxayna mararka qaar noqotaa xaalad xanuun badan oo keenta infakshan hadaba timirtu waxay gaaska iyo aysiidha caloosha ka ilaalisaa inay dhaawac gaadhsiiso dahaadhka caloosha sidaa darteed waxaa wanaagsan in lagu dadaalo in timirta lagu afuro iyadoo la raacaayo sunada nabigeena suuban maxamed scw.

Timirta iyo cayilka
Cuntada iyo jimicsiga labaduba waa qayb muhiim ah oo aan laga maarmi karin marka laga hadlaayo miisaan dhimista sidaas oo ay tahay hadana labadooda oo kaliya kuma siin doonaan awood aad miisaanka ku dhinto laakiin waxaa muhiima inaad ogaato in cuntada aad cunaysaa ay qayb ka tahay dadaalka dheer qofku ugu jiro inuu dhimo miisaanka iyo culayska jidhka sidaa darteedna cuntada aad cunaysaa waa inay noqotaa mid nafaqo leh isla markaan laga heli karo fiber sidoo kale waa in laga helaayo xadi aad u hooseeya o calories ah hadaba timirta maadaama ay tahay midho faaiidooyin caafimaad oo badan laga helo waxaa la xaqiijiyay inay hoos u dhigto miisaanka qofka, sidaa daraadeed hadii aad rabto sida loo dhimo miisaanka ku dadaal cunista timirta. 
Timirta iyo cudurka macaanka
Cudurka macaanka siyaabo badan ayuu ku yimaadaa sida dhaxal ahaan iwm sidaas darteed ilaa hada la iskuma waafaqsana in sonkorta nooca ay doontaba ha ahaatee laga qaadi karo sonkorowga.

Timirta iyo wajiga
Timirta marka wajiga la marsado waxaa laga helaa wajiga oo iftiima iyo shacni waayo timirta waxaa ku jirta maadada loo yaqaano pantothenic acid oo sidoo kale loo  yaqaano vitamin B5 taas oo ka dhigaysa timirta mid waxtar u leh wajiga sidoo kale waxay gacan ka gaysataa yaraynta hanaanka gabowga maqaarka sidaa daraadeed inaad timirta u isticmaasho wajiga waxaad xaqiiqdii arki doontaa farqi aad u wanaagsan oo u dhexeeya markii hore iyo hada.

Timirta iyo timaha
ilaalinta iyo daryeelka timaha waxaa kaa xiga inaad cunto maalintii 2 ilaa 3 xabo oo timir ah waayo timirta waxay daawaysaa daadashada timaha sido kale waxay nafaqaysaa tinta.

Ugu dambayn
Timirtu waa midho laga helo faaiidooyin iyo waxtar caafimaad sidoo kale waxy jidhka siisaa nafaqooyin aad u tiro badan waxayna aad ugu fiican tahay inay shaqada dheefshiidka wanaajiso sidoo kale waxay ka hortag u tahay cudurada halista ah.

Timirta waxaa loo isticmaali karaa cabitaan ahaan iyo cunto ahaan labadaba waayo waa qaababka ugu caansan dunida ee loo isticmaalo maadaama ay tahay cunto diyaarsan isla markaan meel kasta laga heli karo.

Fadlan hadii aad ka faaiiday maqaalkan share gare

Labels:

Cuntooyinka niyad jabka lagu daaweeyo






Niyad jabka Mid ka mida waxyaaabaha ugu muhiimsan ee laga ilaawo caafimaadka maskaxda waa nafaqada sidaa awgeed maanta kama hadlayno maxaa sababa niyad jabka laakiin cunnadu waxay door muhiim ah ka cayaartaa caafimaadka jidhkeena iyo caafimaadka maskaxda iyo shucuurta micnaha niyad jabka nolosha. Waxaa muhiim ah inaad ogsoonaato dhibaato kasta oo aduunyada qofku la kulmo in xalkeedu yahay xiriirka adiga iyo illaahay idiin dhexeeya oo aad wanaajiso waayo ku xidhnaanta rabigaa iyo inaad adeecdo wixii uu ku faray waa xalka kaliya ee dib ugu soo celin karto farxadaada iyo dheelitirnaantaaada maskaxeed , laakiin waxaa kale oo muhiim ah inaad ogaato in Alle daawadeena inoo galiyay dhirta iyo nimcoolayda xalaasha inoo ah. Daawada niyad jabka Sidaa darteed markaad dareemayso inaad halgan kula jirto la dagaalanka niyad jabka waxaad dareemi kartaa inaad si xad dhaaf ah uga fekerayso cunista cuntooyinka saxda ah , si kastaba ha ahaatee cunista cuntooyinkan ayaa yaree niyad jabka badan waxayna saameyn wanaagsan ku yeelanayaan noloshaada maalinlaha ah. Cuntooyinka niyad jabka lagu daaweeyo Si kastaba aha ahaatee cuntooyinkan waxay faaiido u leeyihiin oo xoojiyaan niyada laakiin tan macnaheedu maaha inaad ka feejignaanayso cuntooyinkii kale ee awalba aad cuni jirtay laakiin inaad ka warhesho cuntooyinka saamaynaaya niyadaada ayaa kaa caawin kara inaad si fiican u maamusho astaamaha niyad jabka. Kaluunka : malayga ama kaluunka labada magacba soomaalidu way ugu yeedha - kaluunka noocyada saliida badan sida salmon, mackerel, trout, sardines, iyo tuna oo aan ahay ka qasadaysan dhammaantood waa noocyada kaluunka ee loogu jecel yahay waxayna cunista kaluunka kaa caawinaysaa la dagaalanka xanuunka niyad jabka iyo murugada sababtoo ah waxay hodan ku yihiin maadada duxda ah ee loo yaqaan omega 3. Lawska : noocyada kala duwan ee lawska sida Cashews, brazilian nuts, hazelnuts, waxay aad ugu fiican yahay kordhinta dufanka omega 3, sidaa darteed lawska waxaa lagu yaqaanaa inuu taageero caafimaadka maskaxda wuxuuna ka mid yahay cuntooyinka sida rasmiga ah looga helo maadada omega 3. Akhriso faaiidooyinka lawska Digirta : noocyad kala duwan ee digirta waa il wanaagsan oo laga helo borotiino iyo fiber labadooduna waxay gacan ka gaystaan sidii loo joogtayn lahaa heerarka sonkorta ee dhiiga oo joogta ah, waxaa intaa u dheer yaraynta sonkorta dhiiga inay hoos u dhacdo saameynta ay ku yeelan karto niyadeena. Iniinyaha : Midhaha saliidka iyo kuwa loo yaqaano chia seeds waa cunno layaab leh sidaa darteed hadaad rabto inaad la dagaalanto niyad jabka iyo murugada ku darso cuntadaada idinka illaahay waad ka bogsan doontaa, hadaba sida cunooyinka kale ee aynu soo sheegnay midhahan waxaa laga helaa maadada omega 3 oo la dagaalanta isku buuqa , niyad jabka , murugada. Akhriso shaqada fiitamiinada Digaaga : waa isha ugu weyn ee laga helo booratiin caawin kara heerarka sonkorta dhiiga sidaa awgeed cunista digaaga waxay ka dhigaysaa niyadaada mid isku dheelitiran maalinta oo dhan Khudaarta : haa waxaad u baahan tahay inaad cunto khudaarta inkasta oo qof walba ay muhiim u tahay inuu cuno khudrada , cunista khudaarta idanka illaahay sare u qaada niyada qofka sidaa awgeed hadii aad rabto inaad yarayso niyadjabka waxaa kuu wanaagsan inaad maalin kasta cunto khudaarta.

Labels: