Thursday, April 1, 2021

Faaidada uu leyahay cunista kaluunka loo yaqaano Salmon

 




Waxaan rabaa maanta inaan isla eegno faa´iidada uu kaluunku u leeyahay jidhkeena iyo walabi sida uugu wacan oo loo cuni karo. Inkastay kaluunada oo dhama ay wadda leeyihiin anfacaad badan oo ay ka siman yihiin, inshaAllah week walbana kaluunada mid kamid ah ayaanu isla qaadaa dhigi. Balse maanta waxaynu ku bibaabanaynaa kaluunka loo yaqaan Salmon. Waana kaluunkan aad sawirka midig ka arkaysid.

Muxuu u fiican yahay?

Wuxuu u fiican yahay kaluunkan marlkeeda hore:

Maskaxda

Wadnaha

Maqaarka

Difaaca jidhka

Lafaha.

Vitamin D

Waxaa uu leeyahay kaluunku dufanka looyaqaano Omega-3. Dufankaas oo ah nooca dufanka jidhka u fiican wax tarkana u leh marka la barbar dhigo sida dufanka xoolaha. Omega-3 waa subaga ka dhasha marka galuunkan la dubo ama la shiilo. Dufanka ayaa waxaa ku jira walxo aad u caawiya ka hortga:

– Waxaa kujira protein aad u sareeya oo ka qayb qaata dhisida iyo isku dheelitirida cells ka jidhka oo dhan.

– Waxaa ku jira Marine omega-3 fatty acids, oo ka hortaga wadna xanuunka iyo xanuunada la xidhiidha wadna.

– Waxaa kale oo ku jira wax maadaayin u fiican kobcinta maskaxda. Taas oo kor u qaada , fahanka,xasuusta, iyo waliuba araga indhaha.

– Waxaa kujira kaluunkan Vitamin D, oo ka qayb qaada isku dheelitirka Calsium balance ee jidhka, vitaminkan oo caawiya markaa dhisida iyo daryeelka lafaha.

– Waxaa kale oo kujira Selenium oo ah maado muhiim ah oo ka qayb qaadata inay enzyme yada la dagalaama wixii nadiifinta chemical processes ee jidhka wax yeelo u .

Haddaba intaa  Warwad.com ee kor ku soo sheegnay oo dhan waxaa dheer in uu dufanka kaluunku ka qayb qaato:

– Dhisida difaaca jidhka

– Daryeelka timaha

– La dagaalanka in maqaarku ku qalalo

– Ka hortaga la dagaalanka xanuunka Cancer ka

Haddaba cilmi baadhistu waxay inoo sheegaysaa in uu kaluunka intaas oo faa´iido leeyahay ee ha moognaan inshaAllah.

Waxaa waliba fiican qofku ugu yaraan 3 cisho wiigii inuu cuno kaluun waliba noocayada dufanka badan leh.

Labels:

Faaiidooyinka cajiibka ah ee malabka


 Malabka waa daawo dabiici ah wuxuu ka mid yahay cuntooyinka illaahay quraanka ku xusay wuxuu daawo ka yahay cudur kasta sidaa darteed malabku waa cunto dareere ah waana walax ay samayso shinidu sidaa daraadeed waxaa jira boqoalaal dararaasood oo ila hada lagu sameeyey malabka.

Faaiidooyinka malabka

Malabka iyo wajiga : malabku wuxuu isu dheelitiraa quruxda wajiga waana maado faaiido badan leh waayo waxaa loo isticmaalaa finanka wajiga in lagu daaweeyo sidoo kale malabka waxaa la mariyaa wajiga sababtuna waa in malabka uu wajiga ka ilaaliyo qalaylka isla markaan wuxuu ka dhigaa mid qoyan wuxuuna  qofka siiyaa maqaar iftiimaaya isla markaana wuxuu soo saaraa unugyada cusub ee maqaarka.

Malabka iyo galmada : malabku wuxuu qofka siiyaa awood dheeri ah gaar ahaan markaynu ka hadlayno malabka iyo guska ninka wuxuu kordhiyaa hoormoonka loo yaqaano testosterone kaas oo ka qayb qaata kordhinta raganimada.

Malabka iyo foosha : faaidada malabka iyadoo aynu ka hadlayno hadana waxaa jirta suaal inta badan la iswaydiiyo taas oo ah malabka iyo uurka wax dhibaato ah miyay leedahay hadii hooyadu cunto .

Hadii aan ka jawaabno malabka waa la cuni karaa xili kasta laakiin dhakhaatiirta caafimaadka waxay ku talinaayaan in hooyada uurka leh aysan malabka isticmaalin sidoo kale aan la siinin ilmaha hal sano ka yar sababtana waxaa la sheegay in malabka uu leeyahay bakteertiyo ilmaha caloosha ku jira wax gaadhsiin karta , balse marnaba bakteeriyadaas uma gudbi karto uur jiifka sababtoo ah meel ayuu alle ku xafiday ilmaha.

malabka iyo caruurta : sida aan kor ku xusnay malabka lama siinaayo ilmaha ka yar hal sano sababtuna waa bakteeriyada loo yaqaano Clostridium  laakiin ilmaha ka weyn hal sano waa la siin karaa malabka .

Malabka iyo cayilka : sida lagu xusay daraasad la soo bandhigay sanadkii 2010 laguna soo bandhigay wargayska Journal of american college of nutrition waxaay daraasadu sheegtay in malabku uu ka caawiyo qofka cayilan ama buuran inuu xakameeyo aabateedkiisa ama rabitaanka cunta uu u hayo.

 Sidaa darteed hadii aad isticmaasho malabka hurdada ka hor waxaa bilaabmaysa inuu jidhku gubo baruur badan saacadaha ugu horeeya ee hurdada.

Faaiidooyinka kale ee malabka


Malabka wuxuu muhiimad gaar ah u leeyahay koritaanka ilkaha iyo ilaalintooda
Malabka wuxuu la dagaalamaa xanuunka dhiig karta wuxuuna jidhka ku badiyaa birta
Malabka wuxuu la awood siiyaa murqaha wadnaha dadka isticmaalana way ka dheeryihiin arintaas.

Suaalaha malabka iyo jawaabahooda


  • Malabku muxuu daawo u yahay ?
    Malabka waxaa lagu daaweeyaa cudur kasta
  • Waa maxay faaiidada malabka iyo toonta
    labaduba waxay wadaagaan faaiidooyin sida inay daaweeyaan qufaca iyo hargabka
  • Waa maxay faaiidada malabka iyo caadada
    Malabku wuxuu raaxo geliyaa jidhka sidaa darteed haweenka caadada leh wuu u fiican yahay
  • Waa maxay faaiidada malabka iyo finanaka
    Malabku maqaarka jidhka ayuu u fiican yahay sidoo kale finanka
  • Waa maxay faaiidada malabka iyo liinta
    Labaduba iskooda ayay waxtar u leeyihiin lakin waxay ka siman yihiin miisaan dhimida
  • Malabka iyo liin dhanaanta ka waran ?
    Sida aan kor ku xusnay waa isku mid liinta iyo liin dhanaantu
  • Malabka iyo kacsiga wax iiga sheeg ?
    Kor ayaan kaga hadalnay ee fadlan akhriso
  • Noocyada malabka maxaa ka mida ?
    malabka waxaa ugu caafimaad badan midka dabiiciga ah
  • isticmaalka malabka miyaan joogteeyaa ?
    Maya inta badan laakiin haka dheeraan
  • Malabka iyo qorfaha maxay wadaagaan ?
    Labaduba waa jeermis dile , waxay u roon yihiin haweenka caadada leh , sidoo kale hargabka ayaa lagu daaweeyaa labada sidoo kale waa sun saarayaal awood badan
  • Malabka iyo quruxda wax iiga sheeg ?
    Waan ka jawaabnay ,qurxinta wajiga malabka, malabka quruxda qofka ayuu dibada u soo saaraa waxaaba jira barnaamijyo la dhaho isqurxinta malabka
  • Malabka somalia malagu kalsoonaan karaa ?
    Haa waa lagu kalsoonaan karaa laakiin waa inuu dabiici ahaadaa 
  • Malabka iyo wasmada yacni galmada xidhiidh miyaa ka dhexeeya ?
    Haa xiriir wanaagsan ayaa ka dhexeeya fadlan kor ka akhriso 

  • Malabka ma u wanaagsan yahay qof macaan qaba
    Jawaabtu waa maya
  • Waa maxay dhibaatada malabka ?
    Dhibaatadiisa waa inaad iska badiso iyo inaad talada dhakhtarka diido


Cudurada uu daaweeyo malabku

Beer xanuunka, xanuunka gaaska, xanuunada neerfaha, xanuunka daafka, cudurka kansarka, cudurada maqaarka, dhiig yarida, hurdo la'aanta, timo daadashada, hargabka, kacsi yarida, dheefshiid xumada, madax xanuunka, daalka badan, afka urka iyo hoos u dhaca difaaca jirka.

Labels: ,