Wednesday, November 15, 2023

Brand Lenovo Model Name IdeaPad Screen Size 14 Inches Color Grey Hard Disk Size 1 TB CPU Model Core i3 Family Ram Memory Installed Size 20 GB Operating System Windows 11 Home Special Feature Dolby Graphics Card Description Integrated


   Brand Lenovo Model Name IdeaPad Screen Size 14 Inches Color Grey Hard Disk Size 1 TB CPU Model Core i3 Family Ram Memory Installed Size 20 GB Operating System Windows 11 Home Special Feature Dolby Graphics Card Description Integrated


Price:$399.00

                                       


BrandLenovo
Model NameIdeaPad
Screen Size14 Inches
ColorGrey
Hard Disk Size1 TB
CPU ModelCore i3 Family
Ram Memory Installed Size20 GB
Operating SystemWindows 11 Home
Special FeatureDolby
Graphics Card Description

About this item

  • [High Speed RAM And Enormous Space] 20GB high-bandwidth RAM to smoothly run multiple applications and browser tabs all at once; 1TB PCIe NVMe M.2 Solid State Drive allows to fast bootup and data transfer
  • [Processor] Intel Core i3-1115G4 Processor (2 Cores, 4 Threads, 6MB Intel Smart Cache, Base clock at 3.0 GHz, Up to 4.1 GHz with Intel Turbo Boost Technology) with Intel UHD Graphics
  • [Display] 14" FHD (1920 x 1080) Non-touch LCD Display
  • [Tech Specs] 1 x USB-A 2.0, 2 x SuperSpeed USB-A 3.2, 1 x Headphone/Microphone Combo, 1 x HDMI, 1 x AC Power Port, 1 x 4-in-1 Card Reader; Wi-Fi 6 and Bluetooth
  • [Operating System] Windows 11 Home-Beautiful, more consistent new design, Great window layout options, Better multi-monitor functionality, Improved performance features, New videogame selection and capabilities, Compatible with Android Apps
 See more product details
NoteProducts with electrical plugs are designed for use in the US. Outlets and voltage differ internationally and this product may require an adapter or converter for use in your destination. Please check compatibility before purchasing.
Integrated

Saturday, March 12, 2022

SI FUDUD ISGA RID 10KG


 

Thursday, April 1, 2021

Faaidada uu leyahay cunista kaluunka loo yaqaano Salmon

 




Waxaan rabaa maanta inaan isla eegno faa´iidada uu kaluunku u leeyahay jidhkeena iyo walabi sida uugu wacan oo loo cuni karo. Inkastay kaluunada oo dhama ay wadda leeyihiin anfacaad badan oo ay ka siman yihiin, inshaAllah week walbana kaluunada mid kamid ah ayaanu isla qaadaa dhigi. Balse maanta waxaynu ku bibaabanaynaa kaluunka loo yaqaan Salmon. Waana kaluunkan aad sawirka midig ka arkaysid.

Muxuu u fiican yahay?

Wuxuu u fiican yahay kaluunkan marlkeeda hore:

Maskaxda

Wadnaha

Maqaarka

Difaaca jidhka

Lafaha.

Vitamin D

Waxaa uu leeyahay kaluunku dufanka looyaqaano Omega-3. Dufankaas oo ah nooca dufanka jidhka u fiican wax tarkana u leh marka la barbar dhigo sida dufanka xoolaha. Omega-3 waa subaga ka dhasha marka galuunkan la dubo ama la shiilo. Dufanka ayaa waxaa ku jira walxo aad u caawiya ka hortga:

– Waxaa kujira protein aad u sareeya oo ka qayb qaata dhisida iyo isku dheelitirida cells ka jidhka oo dhan.

– Waxaa ku jira Marine omega-3 fatty acids, oo ka hortaga wadna xanuunka iyo xanuunada la xidhiidha wadna.

– Waxaa kale oo ku jira wax maadaayin u fiican kobcinta maskaxda. Taas oo kor u qaada , fahanka,xasuusta, iyo waliuba araga indhaha.

– Waxaa kujira kaluunkan Vitamin D, oo ka qayb qaada isku dheelitirka Calsium balance ee jidhka, vitaminkan oo caawiya markaa dhisida iyo daryeelka lafaha.

– Waxaa kale oo kujira Selenium oo ah maado muhiim ah oo ka qayb qaadata inay enzyme yada la dagalaama wixii nadiifinta chemical processes ee jidhka wax yeelo u .

Haddaba intaa  Warwad.com ee kor ku soo sheegnay oo dhan waxaa dheer in uu dufanka kaluunku ka qayb qaato:

– Dhisida difaaca jidhka

– Daryeelka timaha

– La dagaalanka in maqaarku ku qalalo

– Ka hortaga la dagaalanka xanuunka Cancer ka

Haddaba cilmi baadhistu waxay inoo sheegaysaa in uu kaluunka intaas oo faa´iido leeyahay ee ha moognaan inshaAllah.

Waxaa waliba fiican qofku ugu yaraan 3 cisho wiigii inuu cuno kaluun waliba noocayada dufanka badan leh.

Labels:

Faaiidooyinka cajiibka ah ee malabka


 Malabka waa daawo dabiici ah wuxuu ka mid yahay cuntooyinka illaahay quraanka ku xusay wuxuu daawo ka yahay cudur kasta sidaa darteed malabku waa cunto dareere ah waana walax ay samayso shinidu sidaa daraadeed waxaa jira boqoalaal dararaasood oo ila hada lagu sameeyey malabka.

Faaiidooyinka malabka

Malabka iyo wajiga : malabku wuxuu isu dheelitiraa quruxda wajiga waana maado faaiido badan leh waayo waxaa loo isticmaalaa finanka wajiga in lagu daaweeyo sidoo kale malabka waxaa la mariyaa wajiga sababtuna waa in malabka uu wajiga ka ilaaliyo qalaylka isla markaan wuxuu ka dhigaa mid qoyan wuxuuna  qofka siiyaa maqaar iftiimaaya isla markaana wuxuu soo saaraa unugyada cusub ee maqaarka.

Malabka iyo galmada : malabku wuxuu qofka siiyaa awood dheeri ah gaar ahaan markaynu ka hadlayno malabka iyo guska ninka wuxuu kordhiyaa hoormoonka loo yaqaano testosterone kaas oo ka qayb qaata kordhinta raganimada.

Malabka iyo foosha : faaidada malabka iyadoo aynu ka hadlayno hadana waxaa jirta suaal inta badan la iswaydiiyo taas oo ah malabka iyo uurka wax dhibaato ah miyay leedahay hadii hooyadu cunto .

Hadii aan ka jawaabno malabka waa la cuni karaa xili kasta laakiin dhakhaatiirta caafimaadka waxay ku talinaayaan in hooyada uurka leh aysan malabka isticmaalin sidoo kale aan la siinin ilmaha hal sano ka yar sababtana waxaa la sheegay in malabka uu leeyahay bakteertiyo ilmaha caloosha ku jira wax gaadhsiin karta , balse marnaba bakteeriyadaas uma gudbi karto uur jiifka sababtoo ah meel ayuu alle ku xafiday ilmaha.

malabka iyo caruurta : sida aan kor ku xusnay malabka lama siinaayo ilmaha ka yar hal sano sababtuna waa bakteeriyada loo yaqaano Clostridium  laakiin ilmaha ka weyn hal sano waa la siin karaa malabka .

Malabka iyo cayilka : sida lagu xusay daraasad la soo bandhigay sanadkii 2010 laguna soo bandhigay wargayska Journal of american college of nutrition waxaay daraasadu sheegtay in malabku uu ka caawiyo qofka cayilan ama buuran inuu xakameeyo aabateedkiisa ama rabitaanka cunta uu u hayo.

 Sidaa darteed hadii aad isticmaasho malabka hurdada ka hor waxaa bilaabmaysa inuu jidhku gubo baruur badan saacadaha ugu horeeya ee hurdada.

Faaiidooyinka kale ee malabka


Malabka wuxuu muhiimad gaar ah u leeyahay koritaanka ilkaha iyo ilaalintooda
Malabka wuxuu la dagaalamaa xanuunka dhiig karta wuxuuna jidhka ku badiyaa birta
Malabka wuxuu la awood siiyaa murqaha wadnaha dadka isticmaalana way ka dheeryihiin arintaas.

Suaalaha malabka iyo jawaabahooda


  • Malabku muxuu daawo u yahay ?
    Malabka waxaa lagu daaweeyaa cudur kasta
  • Waa maxay faaiidada malabka iyo toonta
    labaduba waxay wadaagaan faaiidooyin sida inay daaweeyaan qufaca iyo hargabka
  • Waa maxay faaiidada malabka iyo caadada
    Malabku wuxuu raaxo geliyaa jidhka sidaa darteed haweenka caadada leh wuu u fiican yahay
  • Waa maxay faaiidada malabka iyo finanaka
    Malabku maqaarka jidhka ayuu u fiican yahay sidoo kale finanka
  • Waa maxay faaiidada malabka iyo liinta
    Labaduba iskooda ayay waxtar u leeyihiin lakin waxay ka siman yihiin miisaan dhimida
  • Malabka iyo liin dhanaanta ka waran ?
    Sida aan kor ku xusnay waa isku mid liinta iyo liin dhanaantu
  • Malabka iyo kacsiga wax iiga sheeg ?
    Kor ayaan kaga hadalnay ee fadlan akhriso
  • Noocyada malabka maxaa ka mida ?
    malabka waxaa ugu caafimaad badan midka dabiiciga ah
  • isticmaalka malabka miyaan joogteeyaa ?
    Maya inta badan laakiin haka dheeraan
  • Malabka iyo qorfaha maxay wadaagaan ?
    Labaduba waa jeermis dile , waxay u roon yihiin haweenka caadada leh , sidoo kale hargabka ayaa lagu daaweeyaa labada sidoo kale waa sun saarayaal awood badan
  • Malabka iyo quruxda wax iiga sheeg ?
    Waan ka jawaabnay ,qurxinta wajiga malabka, malabka quruxda qofka ayuu dibada u soo saaraa waxaaba jira barnaamijyo la dhaho isqurxinta malabka
  • Malabka somalia malagu kalsoonaan karaa ?
    Haa waa lagu kalsoonaan karaa laakiin waa inuu dabiici ahaadaa 
  • Malabka iyo wasmada yacni galmada xidhiidh miyaa ka dhexeeya ?
    Haa xiriir wanaagsan ayaa ka dhexeeya fadlan kor ka akhriso 

  • Malabka ma u wanaagsan yahay qof macaan qaba
    Jawaabtu waa maya
  • Waa maxay dhibaatada malabka ?
    Dhibaatadiisa waa inaad iska badiso iyo inaad talada dhakhtarka diido


Cudurada uu daaweeyo malabku

Beer xanuunka, xanuunka gaaska, xanuunada neerfaha, xanuunka daafka, cudurka kansarka, cudurada maqaarka, dhiig yarida, hurdo la'aanta, timo daadashada, hargabka, kacsi yarida, dheefshiid xumada, madax xanuunka, daalka badan, afka urka iyo hoos u dhaca difaaca jirka.

Labels: ,

Tuesday, March 30, 2021

7 Faaido oo aadan ogayn oo ku qarsoon liin macaanta

 




Marka laga yimaado faa’iidooyinka ay liin macaantu lee dahay marka la cuno oo ah inay lee dahay nafaqo badan ayaa dhowaan daraasad uu sameeyey wargeyska Daily Mail waxa lagu ogaadey in ay jiraan 7 faa’iido oo kale ,kuwaas oo ay liintu u lee dahay guriga marka aan cunto ahaan loo isticmaalin.

Wargeyska oo ay la shaqaynayeen khubaro dhanka caafimaadka ah ayaa sheegay in ay jiraan toddobadaasi faa’iido oo hore aan loo ogayn,waxaanay kala yihiin toddobadaasi faa’ido sidan:-

1:Liin macaanta oo la kululeeyo ,waxa loo isticmaalaa nadiifiye ahaan,iyada oo lagu nadiifiyo marka la miiro meelaha quraarada ah.

2:Liinta oo inta la jar jaro la dhigo meelo guriga kamid ah ,gaar ahaana madbakha oo kale,waxay taasina ka kaxaysaa guriga iyo meesha ay taalo agagaarkeeda urka la dhibsanaayo ama inay meeshaasi yeelato ur qadhmuun.

3:Liinta oo la tuujiyo sidoo kalena lagu daro Soodhe waxyaalahu ku jiro,waxa lagu nadiifiyaa meelaha inta badan uskaga yeesha ee qiiqu ku dhasho Madbakhyada.

4:Liinta waxa kale oo lagu nadiifiyaa meelaha Microwaves ka ah,iyada oo lagu darayo liintaas biyo,waxaanay taasi keenaysaa inuu dhaska iyo urka xunba ka qaado,kana dhigo mid udgoon.

5:Liinta waxa lagaga maarmi karaa waxyaalaha Siliga ka samaysan ee weelka lagaga jaro Uskaga,waxaana lagu xoqaa Liinta oo la kala jaray,taasina waxay sahlaysaa in ay weelkaasi ,gaar ahaana suxuunta iyo waxyaalaha ka samaysan dhoobada iyo quraaraduhu dhalaalaan.

6:Waxa kale oo ay liintu ku fiican tahay waxa laga dhigi karaa sida Cadarka oo kale,iyada oo lagu shubaayo caagada lagu shubo inta badan Dhitoosha oo kale,kadibna guriga iyo weelka lagu buufin karo.

7:Liinta waxa kale oo loo isticmaali karaa jidhka,iyada oo laysku daraayo Saliid,Liin iyo laba malqaacadood oo Malab ah iyo koob badhkii oo sonkor ah ,kadibna iyaga oo isku jira isku huuri 15 minutes ,kadibna mari jidhka,waxay taasi soo celinaysaa jidhka duxda ka baxda.

Khubarada baadhitaankan waday ayaa hadda sheegay inay samaynayaan tijaabooyin kala duwan ,iyaga oo kala qaybinaaya,tijaabada una adeegsanaaya ilaa 14 qof oo guryo u badan,qoddob walbana lagu tijaabinaayo laba guri

Labels: ,

Cabitaanka kaarootada iyo caafimaadka





 Ma ogtahay in cabtiaanka kaarootada ay caafimaad ahaan u fiican tahay maqaarka ama dubka sare ee jidhka bini aadamka - haa waad ogtahay - run ahaantii cabitaanka kaarooga waad cabi kartaa si kasta oo uu ahaadaba qaydhin ama biseel laakiin waa inuu cusub yahay.



Kaarootada waxay qani ku tahay oo laga helaa maadooyinka kala ah .

  • Fiber
  • beta carotene
  • Fitamin k
  • Potassium
  • Antioxidants
Cabitaanka kaarootada waxaa laga helaa faaiidooyin caafimaad oo aad u badan sidaa darteed waxaa lagu taliyaa in qofku joogteeyo cunista kaarootada , hadaba waxyaabaha laga dhaxlo waxaa ka mida.

  • Cabitaanka kaarooga wuxuu dhimaa miisaanka
  • Cabitaanka kaarootada wuxuu yareeyaa heerarka kalastaroolka
  • Cabitaanka kaarooga wuxuu fiican yahay indhaha


Cabitaanka kaarootada 

Maadaama aynu ognahay waxtarka caafimaad ee laga dhaxlo cabitaanka kaarooga halkan waxaan kuugu soo bandhigaynaa faaiidooyinka gaarka ah ee cabitaanka kaaroogu u leeyahay maqaarka.

 
Nadiifinta maqaarka : cabitaanka kaarootada oo la joogteeyaa wuxuu nadiifiyaa maqaarka sidaa darteed waxaad marinka wajiga sidaa darteed isticmaalka joogtada ah ee kaarootada waxay kaloo gacan ka gaysataa inuu maqaarkaagu iftiimo.

Qoyaanka maqaarka : cabitaanka kaarootada waxaa ku jira xadi aad u badan oo macdanta potassium ah sidaa darteed wuxuu kaa caawinaayaa inaad hesho maqaar qoyan oo nafaqo leh.

Dhibcaha maqaarka : cabitaanka kaarootada waxaa kaloo lagu daaweeyaa dhibcaha maqaarka ku samaysma wuxuuna kaa caawinaayaa inaad ka takhalusto nabraha maqaarka sidaas darteed qofka maqaarkiisa raba inuu daryeelo waa inuu ku dadaalo cabista cabitaanka kaarooga.

laablaabka maqaarka : cabitaanka kaarootada waxay maqaarka siisaa nafaqo waxay kaloo ka ilaalisaa maqaarka gabowga waayo waxaa ku jirta maadada antioxidants taasoo ka hortagta gabowga iyo laablaabka maqaarka.

Labels: ,

Dadka guulaystay subixii maxay qabtaan ?




Maalinta ku bilaabmatay ma tahay maalin aad guul gaadhi kartid ama aad qorshe leedahay? maalin kasta sida ay noqonayso waxa go’aamiya subixi sida uu kuugu bilaabmo ,waxa muhiima in laga taxadaro waa inay ku bilaabmato maalin aanad garanyn bilowgeeda iyo dhamaadkeeda ,dabcan wax walba allihi ina uumay ayaa og laakin taas macnaheedu maaha inaad u noolaata sida xoolaha .

caadooyinka dadki guuleystay waxa laf dhabar u ahaa maaraynta bilowga maalintooda hadaba maxay qaban jireen?

maqaalkan waxaanu idiinku soo gudbinaynaa ficilada ugu muhiimsan ee subixi la qabto .

  • seexo waqti hore si aad u toosto waqti hore  : waqti hore oo aad seexato waxay jidhkaaga siinaysa nasasho dhamaystiran ,sidoo kale waxay xoojinaysa awoodaada maskaxeed iyo jidheed . ka taxadir soo jeedka habeenki ama saama-laylka kaas oo dhibaato badan ku sababa jidhka halkan ka akhri saamaynta uu saama-laylku ku leeyahay jidhka 

  • diinteena islaamka ayaa ina faraysa : inaad waqti hore toosta waa waajib maadama aynu oogeyno salaada subax ,salaada subax waxay ka mid tahay waqtiyada ugu dhow ee ducada  ilaahay  aqbalo .

  • samee jimicsi : jimicsiga subixi wuxu kala shaandheeya habdhiska wareega dhiiga , waxaanu toosiya wadnaha iyo muruqyada,  sidoo kale waxa uu hagaajiya,dejiyaa xaalada nafsiyadeed, dabcan hawada saafiga ah ee subixi wax loo dhiga ma jiraan .

  • cab sharaabka liin macaan : haddi aad toosto adiga oo werwersan ama xaaladaada nafsiyadeed aanay deganayn waxa haboon inaad cabto liin macaanta , liin macaantu waxay ka kooban tahay maadada vitamin B6  iyo aashitada (acid) Folic kuwaas oo dawo ka ah werwerka dejiyana xaalada nafsiyadeed ee jidhka .

  • Useexo dhinaca midigta ah : iska ilaali inaad u seexato dhinaca bidixda  maadama ay sababto wadne xanuun, cadaadisna ku samayso sambabada iyo caloosha . cilmi baadhayaal badan ayaa sheegey in dadka u seexda dhinaca midigta ah ay ku raaxaystaan hurdo nabadgelyo ah .

  • Deji qorshaha maalineed ee aad ku howl galayso : waa qodob muhiima ugu dambayn waa inaad samaysataa qorshihii aad ku maarayn lahayd maalinta cusub ee ku bilaabmatay ,waxaana ugu muhiimsan maaraynta waqtiga  .qiimaha shanta daqiiqo ay leedahay oo aad garataa waa furaha guusha nolosha iyo aakhiraba.

adiga maalintaada maxaad ku bilaabtaa ?

Labels:

Hypothyroidism-Cudur Haweenka Soomaalida Ku Badan




Qanjidhka thyroid-ka wuxuu ku yaallaa dhuunta, wuxuuna labada dhinac ka xigaa tuunbada hawa mareenka qeybteeda kore , waxaana uu soo daayaa hormoono wax ku ool u ah shaqada jirka, sida kuwa kontoroola habka loo yaqaano metabolism (habka burburinta ama dhisida nafaqada taasoo jirku u isticmaalo tamar ahaan). Waxaa kale oo ay maamulaanama kontoroolaan shaqooyin kale oo aad u tira badan sida, neefsashada, garaaca wadnaha, neerfayaasha maskaxda iyo xungulaha, miisaanka jirka, awooda murqaha, heer kulka jira iyo cadadka k olesterolka. Marka ay yaraato soo deynta hormoonada laga soo daayo qanjirkaan waxaa ay saamayn balaaran ku yeeshaan dhamaan shaqadii ay qaybta ka ahaayeen.

Dumarka gaar ahaan kuwooda da’da weyn ayuu ugu badan yahay xanuunkaan. Inta badan ma sababa wax calaamad ah markuu bilowga yahay. Balse hadii aan la daweyn waxuu keenayaa calaamado ama cilado hor leh sida cayil xad dhaafa, kalagowsyo xanuun, dhalmo la’aan iyo xanuuno saamayn ku yeesha wadnaha.

WAA MAXAY CILLADAHA KU DHACDA QANJIDHKA DHUUNTA EE THYROID GLAND?

Cilladaha qanjidhka waxaa u badan laba nooc oo kala ah in qanjidhkani uu howlgabo oo uu keeno cudurka aan ka hadlayno hadda ee loo yaqaanno “Hypothyroidism” iyo inay dheecaannada uu soo deynayo siyaado noqdaan oo markaasna loo yaqaano Kacsanaanta qanjidhka thyroid-ka, Luuqadda Ingiriisidana loogu yeedho “Hyperthyroidism”. Waa laba cudur oo lid isku ah, calaamadahooda iyo daaweyntaba way ku kala duwan yihiin.

WAA MAXAY HOWLGABKA QANJIDHKA THYROID-KA (Hypothryoidism)?

Howl-gabka qanjidhka toroodhka macnihiisu waa in heerka dheecaanada hormoonka ee hoos u dhacaan, haddii hormoonno jidhka ku filan uu qanjidhkani soo saari waayo waxaa qofka uu dareemaa ama ka soo muuqda astaamo dhowr ah oo lagu garto xanuunkan. Xanuunka dhacsanaanta ama howlgabka qanjidhka thyroid-ka wuxuu ku badan yahay haweenka da’ dhaxaadka ah, dumarkeenna Soomaalida aad ayuu ugu badan yahay, laakiin nasiib darro badanaa dhakhaatiirtu si dhakhso ah uguma baraarugaan, maadaama calaamadaha la dareemaa ay u ekaan karaan cudurro kale. Haddii qofka xanuunkan qabaa aan la garanin, ma bogsado oo sheegashadiisa ayaa badata.

WAA MAXAY CALAAMADAHA LAGU GARTO HOWL GABKA QANJIDHKA Thyroid-Ka?

Calaamadaha la dareemaa waxay ku xidhan tahay heerka uu marayo xanuunkaagu, haddii uu xanuunkani uu muddo ku hayay waxaad dareemaysaa calaamado ka duwan marka uu kugu cusub yahay.

CALAAMADAHA LA DAREEMO WAXAA UGU HORREEYA
Calaamadaha xanuunkaan waxay ku xiranyihiin intuu le eg yahay cilada haysata soo saarid la’aanta hormoonada ee qanjirkaan lkn inta badan waxa lagu arkaa:

1- Waxaa dhacda in bilowgaba la dareemo daal saa’id ah (maskixiyan iyo jismiyan)
2- Qabowga oo aad dhibsatid ama xilliga qaboobaha oo caajisku aad kuugu bato.
3- Calool-istaag
4- Miisaankaaga oo kordha adigoo aan cunin cunto badan
5- Wajiga oo ku bararo ama aad dareento inuu buuxsan yahay ama daamankaagu noqdaan kuwo sidii buufimada bararay, dadkuna u maleeyaan in aad naaxday.
6- Codka Oo Xabeeb Yeesha
7- Murqo Xanuun Iyo Tabardarri Aadan Si Sahlan Fadhiga Uga Istaagi Karin Illaa Inaad Wax Qabsato Ama Aad Afarta Ku Kacdo Mooyee.
8- Is Goysyada Xaglaha oo xanuun ama barar aad ka dareento
9- Caadada oo kaa wareerta ama siyaado noqoto socodkeedu.
10- Timaha oo khafiif noqda ama inay kaa googo’ayaan aad dareento
11- Maqaarka jidhkaaga oo cawlaan noqda ama qallayl noqda
12- Xasuusta oo yaraata iyo heerka cholesterolka oo sare u kaca.
13- Qanjidhka oo soo kuusma ama barara, qofkane uu dareemo in dhuunta laga
Cadaadinayo (xanuun-ka howlgabka qanjirkani qasab uma aha in qanjidhku uu bararo).
Haddii aan la daaweyn, calaamadahan way ka sii dareen oo qofka way ku xumaadaan oo waxaa dhici karta inay heer kale isku badasho oo cadaadiska dhiigaaga hoos u dhaco, neefsashada ku dhibto, heer-kulka jidhkaaguna uu dhaco oo xitaa ay dhici karto in aad coma “suuxdin” gashid.
Caruurta wuu ku dhici karaa xanuunkani calaamadaha laga dareemaana way ka duwan yihiin kuwa aan kor ku soo xusay waxaa ka mid ah: Indhaha iyo maqaarka oo Midab Hurdi ah noqda sida Jooniska (Cagaarshaw) oo kale, saxasho markuu naaska nuugayo, carrab weyn oo afka dibadiisa u soo baxsan iyo wajiga oo barara, markuu xanuunkani ku sii daba dheeraado waxaa caruurta lagu arkaa saxaro adeyg, murqaha oo daciif ah, dhaqdhaqaaq la’aan iyo hurdo siyaado ah. Haddii si dhakhso ah looga gaadhi waayo, xanuunkan wuxuu caruurta ku ridaa doqonnimo oo korriinka maskaxdooda ayuu wax u dhimaa. Badanaa hooyooyinka qaba xanuunka kacsanaanta qanjidhka thyroid-ka ee qaata daawooyin lagu dajiyo hormoonnada haddii ay uur yeeshaan iyagoo daawada qaadanaya, waxay caruurtood halis ugu jiraan in qanjidhkooda uu howlgabo daawada hoyadood ay qaadanaysay darteed.

MAXAA KEENA HOWL- GABKA QANJIDHKA Thyroid-Ka?

Howlgabka qanjidhka thyroidka waxaa keena:
1- Difaaca jirka oo si qaldan u weerara unugyada uu ka samaysan yahay thyroidka kasoo burburiya ama dhaawaca ugu danbeyna sababa in aan la soo deyn hormoono lamid xadi ah kuwii horey loosoo dayn jirey.
2- Caabuq ku dhaca qanjidhka oo dila unugyadii soo saari lahaa dheecaannada hormoonka
3- In qof qabay kacsanaan qanjidhka thyroid ka ah la siiyay daawo dajinaysa oo badan taasoo keentay in qanjidhkii uu howlgabo
4- In qofka uu ku yaryahay jidhkiisa maadada hormoonka laga sameeyo loona yaqaano “Iodine”.
5- Qanjidh kale oo maskaxda ku yaalla loona yaqaanno “Pituitary” shaqadiisuna ay ka mid tahay in uu kontoroolo amarna siiyo qanjidhkan thyroidka oo cilladaysan.
6- In qanjidhka gabi ahaantiisba qofka laga saaray xanuun ama buro ka soo baxday awgeed.
7- Daawooyinka lagu daweeyo hyperthyroidism ( marxalad lasoo daayo hormoono aad u tira badan xadi ahaan)
8- Uurka, hooyooyinka xilliga uurka ay ku jiraan qanjidhkaani shaqadiisu waa ay yaraataa.
9- Midda ugu dambaysaa waxay tahay in ay ilmaha ku dhalan karaan howlgabkaan haddii
10- dhamaantood waa sababayaal uu lee yahay xanuunkaan, waxaa kaloo jira in dadka qaarkiis ku dhashaan iyo in sidoo kale dumarka uurka leh ay la kulmaan marxaladaanba.

hooyada ay ku yarayd jirkeeda maada “Iodine” ama cunugaba uusan lahayn qanjirka ama qanjirka uu ka cillaydaysan xag eebbe.

SIDEE LAGU OGAAN KARAA IN AAN XANUUNKAA QABO ?

Waxaa lagu ogaan karaa in dhiigga laga baaro iyadoo la fiirinayo heerka ay joogaan dheecaannada qanjirka thyroid-ka inay dhacsan yihiin, inay kacsan yihiin iyo inay dabiici yihiin intaba.

HADDII AAN QAO HOWLGABKA QANJIDHKAA Thyroid-Ka, DAAWO MA LEEYAHAY ?

Hadii aan la daweyn xanuunkaan waxuu sababayaa cilado kale oo hor leh, sida cuna bacuuc, wadna xanuun iyo xasuusta ama fahamka oo luma. Waxaana lagama maarmaan ah in la daweeyo markii la ogaado inuu bukaanku lee yahay xanuunkaan.

Waa wax aad u sahlan in la daweeyo waxaa la siyaa kaniin baddala hormoonka maqan, daawadaasi oo loo yaqaanno “Thyroxine” oo hal kaniin la qaato maalin kasta si joogto ah.

TALO:

hadaad isku aragto wax la xariira calaamadaha xanuunkaan la xariir dhakhtar, kana fogow inaad daawo iska gadato iyadoon dhakhtar kuu qorin.

Labels:

Monday, March 29, 2021

Waxtarka ukunta [ beedka ] 10 faaiido cajiiba





Beedka ama ukunta waxay qani ku tahay oo laga helaa nafaqooyin badan oo ay ku jiraan booratiino fiitamiino iyo macaadin sidoo kale qaybta huruudiga ama jaalaha ah ee beedka waxaa ku jira oo laga helaa fiitamiinada kala ah vitamin e iyo vitamin iyo dufanka muhiimka ah ee loo yaqaano fatty acids.


Nafaqada ukunta

Ukunta sidoo kale waxay ka mid tahay cuntooyinka ugu badan ee dunida laga isticaamlo isla markaan cunto karinta loogu adeegsado meel kasta waxaana dadka aad u jecel yihiin dhadhanka iyo beedka cunta ahaantiisa isagoo dadka qaarkood u noqda balwad aysan joojin karin cunistiisa.

Faaiidooyiinka beedka ama ukunta

Ukuntu waa cunto muhiim ah oo laga helo maadooyinka kala ah Salenium, Vitamin D, fitamin B6, Fitamin B12, waxaa kale oo ukunta laga ku jira macdano aad u tiro badan sida zinc, iron, iyo copper.

Ukunta maxaa laga helaa 

Ukunta iyo uurka : beedku waa cunto u wanaagsan hooyada uurka leh waana il laga helo xadi aad u fiican oo protein ah waxaana laga helaa waxa loo yaqaano amino acids taas oo hooyada uurka leh iyo ilmaheeduba u baahan yihiin sidaa darteed waxaa laga helaa in badan oo fiitamiino iyo macaadiin ah.

Ukunta iyo galmada : beedku waxaa alle ku abuuray oo uu qani ku yahay fiitamiinada kala ah fitamin B6 iyo fitamin B5 kuwani waxay jidhka ka caawiyaan inuu isu dheeli tiro hoormoonada jirka isla markaana waxay la dagaalamaan stress ka ama walwalka iyo niyad jabka, sidaa darteed Vitamin B6 iyo Vitamin B5 waxay ku siinayaan dareen iyo kacsi caafimaad qaba oo kugu abuuraaya inaad galmada jeclaato.

Ukunta iyo caruunta : maadooyinka ugu muhiimsan ee beedka laga helo waxaa ka mida iron, protein, iyo fatty acid oo muhiim ah iyo fiitamiinada kala ah vitamin A, vitamin D, Vitamin E iyo vitamin B12, hadaba maadama beedka booratiinada ku jira aad u badan yihiin hadii subaxdii ilmaha uu ku quraacdo waxay ka dhigaysaa mid dharagsan waxayna ukuntu hoos u dhigaysaa gaajada ilmaha ka mashquulinaysa waxbarashada iyo iskuulka.

Ukunta iyo wajiga : qurxinta wajigu waa muhiimada koowaad ee dumarka sidoo kale qofkasta laga rabo inuu ku dadaalo sidaas daraadeed beedku waa hab daaweed qoto dheer oo lagu nadiifiyo wajiga waxaana ku jira booratiin aad ugu fiican wajiga sidaa darteed hadii aad doonayso in wajigaaga uu qurux badnaado ku dadaal inaad u isticmaasho beedka.

Ukunta iyo guska : beedka wuxuu ka mid yahay cuntooyin sare u sare u qaada awooda galmada sidaas oo ay tahay cunista ukunta waxay kaa caawinaysaa in hadiiba baahidaadu badan tahay uu sare u qaado xubinta taranka ee raga taas oo hawsheeda si fiican u gudanaysa.

Ukunta iyo cayilka : beedku waa cunto ay ku yartahay waxa loo yaqaano kalari oo ah waxyaabaha ka qayb qaata inuu qofku naaxo ama cayilo sidoo kale beedka ama ukunta waxaa laga helaa booratiino iyo nafaqooyin kale oo badan sidaas darteedna beedka wuxuu ka mid yahay cuntooyinka miisaanka dhima ee maaha cuntooyinka miisaanka kordhiya ama cuntooyinka lagu cayilo.

Ukunta iyo dumarka : maalin kasta dumarka iyo raga labaduba way cunaan beedka waana arin wanaagsan waayo wuxuu beedku sare u qaadayaa qofka caafimaadkiisa, laakiin dumarka qaba xanuunada ay ka mid yihiin macaanka iyo cilado kale oo caafimaad waa inay kala tashtaan dhakhtarkooda cunista beedka.

Ukunta iyo timaha : beedka waa cunto aad ugu muhiim ah timaha waayo waxay ka helaayaan nafaqooyinka timuhu u baahan yihiin waxay timuhu sidoo kale ka helaayaan vitamin A iyo biotin oo sidoo kale loo yaqaano vitamin H kaas oo ka mid ah fiitamiinada la isku dhaho B Complexe vitamins kalmada biotin waxay ka soo jeedaa giriigii hore sidoo kale waxay timuhu ka helaayaan beedka maadada loo yaqaano folate , sidaas darteed nafaqada ukunta ku jirta waxay tinta ka dhigaysaa mid qaro weyn oo caafimaad aaad u wanaagsan  faaiidaduna waa in timaha aysan daadan.

Labels: